Al Shabaab iyo Daacish oo dagaal xooggan ku dhexmaray gobolka Bari.

0
927

Al Shabaab iyo Daacish oo dagaal xooggan ku dhexmaray gobolka Bari.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo saaka deegaanka Ceelka Miraale ee gobolka bari ku dhexmaray Dagaalyahano katirsan Kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Dagaalka, ayaa waxa uu ka danbeeyay markii xubno Daacish ah ay weerar ku qaadeen deegaan 70 K.M bari kaga toosan magaalada Boosaaso, halkaasoo uu ka dhacay dagaal xoogan oo la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo dhowr jeer la isu soo noq noqday ayaa waxaa ka dhashay kahsaare xooggan kaasoo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxeyna dadka deegaanka sheegeen inuu dagaalka iskiis isaga istaagay gelinkii danbe ee maanta.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu la egyahay, hayeeshee waxaa la arkay meydadka iyo dhaawacyada labada dhinac kala gaaray, Kuwaasoo Koox kasta ay iskeed u qaadatay.

Waa dagaalkii u horeeyay oo ay Shabaab iyo Daacish dhexmara sanadkan cusub ee 2019, iyadoo dhamaadka sanadkii hore ay dhowr jeer iska dilee dagaalamayaal labaatameeyo gaaraya.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo bishii hore ee December aqrinayay bayaan ka soo baxay Hogaamiyaha Shabaab ayaa ku sheegay iney iclaamiyeen weerar ka dhan ah Daacish oo ay ku sheegeen Kansar, loo baahanyahay in la ciribtiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here