Shir lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya oo bisha soo socota ka dhacaya London

0
707

Shir lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya oo bisha soo socota ka dhacaya London

Waxaa lagu wadaa in 7 bisha February ee sanadkan 2019 uu ka furmo magaalada London shir lagu xaraashayo ama lagu suuq geynayo Shidaalka Soomaaliya, iyadoo lagu bixin doono ruqsado shidaal baaris ah oo la siinayo Shirkaddo waa weyn.

Shirkan lagu xaraashayo shidaalka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo la sheegay inay qeyb ka yihiin qaban qaabada shirka Shirkadda Spectrum oo  laga leeyahay Norway iyo Shirkadda SOMOIL

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa soo bandhigay qorshaha shirkaas iyo sirta ka dambeysa, iyadoo aan Baarlamaanka ansixin Sharciga Shidaalka iyo Macdanta.

“Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirka xaraashka (Auction) uu dhacayo iyadoo aan hal qodob laga taaba gelin heshiiskii magaalada Baydhabo ku gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada bishii June ee sanadkii hore 2018, waxaana heshiiskaas loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa su’aal ka keenay shirkan, iyadoo aanu dalka laheyn shuruucdii hagi laheyd:-

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya. Waxay masuul ka tahay sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda.

Halkan ka akhriso, si aad u hesho macluumaadka shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here