Ciidamada Booliska Kenya oo qabtay laba nin oo watay hub

0
603

Ciidamada Booliska Kenya oo qabtay laba nin oo watay hub

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo watay hub, kuwaasi oo la socday gaari yar oo ay kireysteen.

Darawalka Baabuurka ayaa qiyaanay raggaan, kadib markii uu ka shakiyay, islamarkaana ay ka raaceen deegaanka Hosingow, kadibna ay kula heshiiyeen inuu geeyo deegaanka Hamey ee xududa Kenya.

Markii uu geeyay deegaankaasi, ayaa labada nin waxay u sheegeen Darawalka gaariga inuu geeyo Xerada Xagardheere, halkaasi oo la sheegay inuu ka shakiyay wadaha gaariga, maadaama uusan kula soo heshiinin.

Darawalkii gaariga waday ayaa siduu u socday wuxuu geeyay labada nin & gaariga Saldhig Boolis oo ku yaallo deegaanka Hamey, halkaasi oo lagu qabtay labada nin.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aadan Xasan Maxamed oo 22 jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo.

Sidii uu u sii waday waxaa uu geeyay Saldhig Boolis, waxaana lagu qabtay Bastoolad Makaaruf ah iyo Rasaas fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here