Kenya oo shaacisay magaca dagaalyahankii isku qarxiyay hote

0
554

Kenya oo shaacisay magaca dagaalyahankii isku qarxiyay hote

Booliska Kenya ayaa aqoonsaday nin talaadadii la soo dhaafay isku qarxiyay hotelka Dusit ee magaalada Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 21 ruux.

Ninkaan oo la sheegay in uu ka tirsanaa ururka al shabaab ayaa lagu magacaabayay Maahir Khaalid Razik oo da’aadiisa ay aheyd 25 sano.

Sida laga soo xigtay booliska Maahir oo ka soo jeeda ismaamulka Mombasa ayaa dib ugu laabtay kenya 13-kii bishan Janaayo ,iyadoo tan iyo sanadkii 2018-kii uu ku sugnaa gudaha dalka si uu tababaro ula qaato ururka Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii la soo bandhigay meydka Ali Salim Gichunge oo loo yaqaan  Faaruuk kana soo jeeday degmada Muchatha,ee ismaamulka Kiambu ee bartamaha Kenya.

Ninkaan ayaa booliska ku tuhmayaan in uu marin habaabiyay Ramadaan Hamisi oo kenyaan ah kuna sugan wadanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here