Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta la caleema saaro

0
735

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta la caleema saaro

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta la caleema saarayaa Munaasabad ka dhici doonta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xaflada Caleema saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale, iyadoo aanay ka qeyb geli doonin Wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka ee Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo ahaa musharaxii ay dowladdu taageereysay ee ugu dambeyn doorashada ku guuleystay.

Waxaa shalay gaaray magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga ee loo yaqaano Koofiyo gaduud ee Ilaalada Madaxtooyada ay maalmo ka hor gaareen Baydhabo, si ay uga qeyb qaatana sugida amniga.

Doorashadii bil ka hor ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa muran badan dhalisay, kaddib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta, waxaana xariggiisa ka dhashay banaan baxyo rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here