DEG DEG : Golaha Guurtida Oo Hadda War Ka Soo Saarey Muddo Kordhintii Loo Gudbiyey .

0
650

DEG DEG : Golaha Guurtida Oo Hadda War Ka Soo Saarey Muddo Kordhintii Loo Gudbiyey .

Hargeysa (Dalmar–News):- Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay saaka fadhi aan caadi aheyn iskugu yimadeen isla markaana waxaa loo akhriyey warqad muddo kordhinta golaha wakiilada ah oo uu madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey

Gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa markii xildhibaanada loo akhriyey warqada madaxweynaha uga timid waxaa uu muddo kordhinta u saarey inay ka soo talo bixiyaan Guddi ka tirsan golahaasi oo ka kooban 24 xubnood isla markaana golaha war bixin ku soo celiya muddo saddex  cisho ah kadib .

Waxaa xusid mudan in warqada muddo kordhinta ee golaha wakiilada loo gudbiyey aaney ku jirin golayaasha deeganka oo iyaguna xilkoodu dhamaanayo , waxaana jira warar ay bulshadu isla dhex mareyso oo sheegaya in aan iyaga wax muddo kordhin ah loo sameyn doonin , marka  uu  muddo xilood-koodu dhamaadana  bisha 3 ee sanadkan ay kuraasta baneen doonan madaxweynuhuna magacaabi dooni Maayaro-ku meel gaadh ah , in kasta oo warkan aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here