Al-Shabaab oo burburiyay Isgaarsiin ku yaalla gudaha Kenya

0
571

Al-Shabaab oo burburiyay Isgaarsiin ku yaalla gudaha Kenya

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay bur buriyeen Isgaarsiin ku yaalla deegaano ka tirsan Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida ay qoreen warbaahinta Kenya anteenooyinka ay burburiyeen Al-Shabaab ayaa u adeegsaday waxyaabaha qarxa.

Anteenooyinka ayaa waxaa leh Shirkadda Safaricom oo ah Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Weel Mareer oo ka tirsan Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka Weel Mareer, waxaa markii dambe ay burburiyeen shirkadda Isgaarsiinta Safaricom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here