Shabaab oo Degmada Ceelbuur ku soo bandhigay Shan askari oo isku dhiibtay+SAWIRO

0
919

Shabaab oo Degmada Ceelbuur ku soo bandhigay Shan askari oo isku dhiibtay+SAWIRO

Al Shabaab ayaa magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ku soo bandhigay Shan askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen dhanka Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Askartaan oo xirnaa tuutaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, ayaa sidoo kale garwaaxsanaa Shan qori, sida ka muuqatay Sawirro Shabaab ay ku soo bandhigeen Warbaahintooda.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab askartaasi inay ka soo baxsadeen dhanka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayna u gudbeen dhanka Degmada Ceelbuur halkaasi oo masuuliyiin Shabaab ka tirsan ay ku soo dhaweeyeen.

Al Shabaab ayaa sheegay askarta hubka ay wateen in loo lacageeyay, kadibna laga qaaday qoryihii ay wateen, waxay kaloo sheegeen inay soo dhaweynayaan askarta isaga soo baxeysa dhanka dowladda.

Ma jirto cadeymo dhaafsiisan Sawirada ay soo bandhigeen Shabaab oo muujinaya in askartaan ay u goosteen dhanka Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ku soo bandhiga askar ay sheegaan inay ka goosteen dhanka dowladda Federalka Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here