DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga Somaliya U Qaabilsan

0
562

DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Turkiga Somaliya U Qaabilsan

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley  safiirka dawlada Turkiga u qaabilsan dalka Somaliya Amb. Mehmet Yilmaz oo booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

Waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKA :

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting, suit and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here