Guddi soo baara Shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo oo la magacaabay

0
679

Guddi soo baara Shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo oo la magacaabay

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Shaqaaqooyinka ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhowaan war ka soo baxay Ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u fadhiyay dalka Soomaaliya ee ku saabsanaa banaanbaxyadii rabshadaha watay uu dhaliyay in dowlada federalka Soomaaliya ay ka gaarto go’aan ah inuusan ka sii shaqeyn Karin dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Waa markii ugu horeysay ee Maamulka Koofurgalbeed uu ka hadlo shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo waxana uu imanayaa magacaabista guddigan xilli ay gaareen magaalada Baydhabo xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda Maamulka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Laftagareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here