DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Ee Dalka Ingiriiska Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Yimid Somaliland

0
737

DAAWO : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Ee Dalka Ingiriiska Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Yimid Somaliland

Hargeysa (Dalmar-News):- Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta safar aan la sii shaacin ku yimid xoghayaha difaacada dawalda UK Mr Gavin Williamson  waxaana madaarka diyaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirka gaashandhiga Somaliland iyo taliyaha ciidanka qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladisa ka mid ah

‘’Waxaanu soo dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’ Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee uu dalka yimaado xoghayaha difaaca ee dawlada UK

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

Ilaysnews/Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here