Wasaarada arimaha dibeda UK oo sheegtay in Bashar Al-Assad uu xafiiska ka tagi Doonin

0
524

Wasaarada arimaha dibeda UK oo sheegtay in Bashar Al-Assad uu xafiiska ka tagi Doonin

Xoghayaha Arimaha dibeda Uk Jeremy Hunt ayaa sheegay in madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad uu xafiiska ku sii sugnaan doono sababa la xiriira duqeymaha diyaaradaha ruushka ee ka dhanka ah kooxaha Argagixisada iyo go,aanka uu Mareykanka uu kala baxayo ciidankiisa.

Mr Hunt ayaa dhanka kale tusaale u soo qaatay in dalalka carbeed ay qaarkood soo celiyeen xiriirka diblumaasi oo ay la leeyihiin suuriya kuwaasi oo qaarkood dib u furay safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Dimishiq.

Diblumaasigan sare ee u dhashay Uk ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta SKY News ayaa tilmaamay in milatariga suuriya oo taageero ka helaya dowlada ruushka ay sahal u noqotay in ay la wareegaan gacan ku heynta dhul badan oo gacanta ugu jiray kooxaha Argagixisada.

Hunt ayaa sheegay in xukuumada Uk ay marwalba u taagneyd nabada suuriya,balse uu filayo in uusan ka tagi doonin Assad xafiiska sababo la xiriira taageerada Ruushka.

Mas,uulkaan ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horeeyay oo u dhashay wadanka Uk oo ka hadla xaalada dhabta ah ee ka jirta wadanka carbeed.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Assad ayaa xafiiska joogi doona ilaa sanada 2021-da oo uu ku egyahay mudo xileedkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here