Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somaliya.

0
689

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Somaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa kulankooda sanadlaha ahaa maanta ku yeelanaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka, kulankooda, ayaa qabsooma sanadkasta bilowgiisa, kaasoo looga hadlo xaalada guud ee Somaliya.

Xubnaha Golaha Amniga, ayaa Warbixin ka dhageysan doona Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe Haysom, kaasoo maalin ka hor loo jaray warqad loogu sheegayo inaan dalkan laga rabin oo uu isaga tago.

Inkastoo kulanka maanta uu ahaa mid hore u sii qorsheysnaa, ayaa hadana waxa uu ku soo aaday xili xaalada Siyaasadeed ee dalkan ay tahay mid kacsan, maadaama Xerada Xalane ee Qaramada Midoobe Talaadadii lagu weeraray Madaafiic todobo xabbo ahaa.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya Talaadadii, waxey go’aan culus ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here