DEG DEG : 4 Qof oo ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshid.

0
625

DEG DEG : 4 Qof oo ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Degmada Yaaqshid.

Warar dheeraad ah waxa ay ka soo baxeysaa weerar maqribnimadii xalay ka dhacay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Koox hubeysan, ayaa Bam gacmeed, waxa ay ku tuurtay gaari Cabdi Bile ahaa oo ay wateen Ciidamo katirsan Booliska, majirin wax khasaare ah oo ay gaaray askarta bartilmaameedka u ahaa Bam gacmeedka lagu weeraray.

Goob joogayaal, waxey soo sheegeen in Qaraxa ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo Shacab ah, kuwaasoo Saddex kamid ah ay ahaayeen Rag, halka qofka kalena ay tahay Haweeney, Xubno kamid ah Yaaqshid, ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Yaaqshid, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Qaraxa dadka ku dhaawacmay ay ugu darantahay oo kaliya qof dumar ah, loona qaaday Isbitaalka Digfeer, maadaama dhaawaceeda oo dhinaca Madaxa ahaa ay u baahantahay Qaliin.

Howlgalo Ciidamada amaanka ay sameeyeen, majirin wax dad ah oo lagu soo qabtay, waxeyna xaalada markii danbe ku soo laabatay si caadi ah.

Amniga Muqdisho, ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo 24-kii saac ee ina dhaaftay ay ka dhaceen laba Qarax, Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Waaberi waxaana Miino uu watay tuuray Nin dhalinyaro ahaa kaasoo ay eryanayeen Ciidamada amaanka.

Qaraxa 2-aadna waa midka ka dhacay Degmada Yaaqshid gaar ahaan Suuq ay shacabka ku badnaayeen, ayna ku dhaawacmeen 4-ta qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here