DEG DEG : Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle oo lagu xirey magaalada Garowe

0
598

DEG DEG : Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool Abukar Cabdi Geelle oo lagu xirey magaalada Garowe

Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi Geelle oo maalmo ka hor xilka iska’ casilay ayaa ciidamada ammaanka Puntland xabsiga u taxaabeen isagoo ku sugan magaalada Garoowe.

Abuukar Cabdi Geelle oo dhowaan ku dhowaaqay inuu iska casiley xilka uu u hayay maamulka Puntland balse aan sheegin sababaha uu isku casilay ayaa xarigiisa lala xiriirinayaa eedeymo uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu bartiisa Facebook ku daabacay ereyo ku eedeynayo musumaasuqnimo Madaxweyne Gaas.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku saabsan xariga Geelle,waxana uu xarigan ku soo beegmayaa xilli  doorashada Madaxtinimada maamulka Puntland ay maalmo kooban ay ka harsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here