10 Shabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Baay.

0
555

10 Shabaab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Baay.

Diyaaradaha dagaalka, ayaa duqeyn dhinaca cirka ah waxa ay ka geysteen deegaan 150KM dhinaca Koofur Galbeed uga toosan magaalada Muqdisho.

Duqeynta, waxaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Shabaab, iyadoo aaney wax kahsaaraha ah dadka Shacabka ka soo gaarin duqeyn, Ciidamo Somali ah, ayaa door ku lahaa weerarkan dhinaca cirka ah.

Wakaalada Wararka u faafisa Dowladda Somaliya ee SONNA, ayaa daabacday in 10 Xubnood oo katirsan Shabaab lagu dilay duqeynta, Ujeedka ayaa lagu sheegay sidii Shacabka deegaanka looga dulqaadi lahaa dabley ka qaadeysay lacago sharci darro ah, Sida warka loo dhigay.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka oo Saldhigga ugu weyn Somaliya ku leh Sh.Hoose, ayaa la rumeysanyahay iney ka dnabeysay weerarkan, Waxaana inta badan lala socodsiiyaa Dowladda Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here