WARBIXIN : Soomaalida intooda badan ma waxay dhasheen 1-da Janaayo?

0
723

WARBIXIN : Soomaalida intooda badan ma waxay dhasheen 1-da Janaayo?

Xili maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta koowaad ee sannadka miilaadiga ee 2019-ka ayaa baraha bulshada, gaar Facebook-ga waxaad ku arkeysaa in dad badan oo kamid ah asxaabta aad saaxiibada ku tihiin halkaasi uu Facebook-ga ku xusuusinayo in maanta ay tahay maalinta dhalashadooda.

Tusaale ahaan mid kamid ah wariyeyaasha BBC-da ee Nairobi, oo qoray warbixintan ayaa bartiisa Facebook-ga waxaa uu soo xusuusiyay in ku dhawaad 700 oo kamid ah asxaabtiisa Facebook-ga ay maanta u tahay maalinta dhalashadooda, taasi oo lagaba yaabo in aysan dhab aheyn.

Dad badan ayaa aaminsan in sabbata 1-da bisha koowaad ay uga dhigtaan maalinta dhalashadooda ay tahay in si fudud ay u xusuustaan taarikhda dhalashada ee ay ku diiwaan gelinayaan ciwaankooda baraha xiriirka bulshada.

Qaar kamid ah Soomaalida adeegsata baraha bulshada ayaa na arrintaas kusoo bandhigay bogaggooda kala duwan.

Waxaa na kamid ah Ahmed Kosar

“Sababta aan 1-da bisha Janaayo uga dhigay maalinteyda dhalshada waxay tahay in malaimntan ay sahlan tahay in la xusuusto, marka ay cilad ku timaado Akoonekyga Facebook-ga“.Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay mid kamid ah dadka ay dhalashadoodu ku beegantahay maanta.

Dadka qaar ayaa sidoo kale aaminsan in sabbata ay tahay in marka ay sameysanayaan ciwaanada taariikhda ugu horeysa ee xulashada ay tahay tusaale ahaan 01-Jan, sidaasi na ay ku xushaan taariikhda dhalashada.

Sidoo kale Soomaali badan oo iska dhiibay dalalka caalamka ayaa qorta 1-da bisha Janaayo, si ay u xusuustaan, halka qaar kalena loo sameeyo akoonada baraha bulshada, qofka u sameynayana uusan garaneyn taariikhda uu dhashay qofka uu u sameynayo Akoonka.

Dadyowga kale ee ku nool caalamka ayaa ah kuwa aad u xusuusta, una tixgeliya taariikhda ay dhasheen, waxaana intooda badan ay u dabaal degaan taariikhda dhalashadooda, hasayeeshee Soomaalida oo aanan u dabaal degin taariikhda dhalashada ayaa inta badan iska qorta taariikhdan si ay durbaba u xusuustaan.

 

BBCSOAMLI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here