DEG DEG : Jilaagii Aflaamta HindigaEe Muslim ka ahaa Kader Khan oo geeriyooday

0
1353

DEG DEG : Jilaagii Aflaamta HindigaEe Muslim ka ahaa Kader Khan oo geeriyooday

Jilaagii aflaamta hindiga caanka ku ahaa ee Kader Khan ayaa ku geeriyooday dalka Canada isagoo 81 sano jir ah kadib markii uu bilihii la soo dhaafay xanuunsanayay.

Kaden Khan oo inkabadan saddex boqol oo filim ka qeybgaatay jilitaankiisa ayaa la dhigay jimcihii aynu ka soo gudubnay kadib markii xaalada caafimaadkiisa uu sii xumaaday.

Wiilka uu dhalay Kader Khan ee Sarfaraz ayaa xaqiijiyay geerida aabihii isagoo sheegay inuu geeriyooday 31ka bishii hore  laguna aasi doono maanta dalka Canada halkaa oo uu jilaagu ku noolaa sanadihii la soo dhaafay.

“Aabahay wuxuu xijaabtay December 31  6 pm xilliga dalka Canada kadib markii  uu galay comma gelinkii dambe waxana lagu aasi doonaa halkan maadaama qoyskeena oo dhan ay halkan Canada ku nool yihiin.”ayuu u sheegay Sarfaraz PTI.

Kader Khan oo Muslim ahaa ayaa ku dhashay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan  waxana filimkii ugu horeeyay ee uu wax ka jilo uu ahaa filimkii Daag oo aktar ka ahaa Rajesh Khan sanadkii 1973kii.

Khan ayaa aflaamta waxa uu ahaa mid dhanka maada ka  qeybqaata isagoo  sidoo kale  qori jirey sheekooyinka aflaamta.

Aflaamta uu wax ka jilay ayaa waxaa ka mid ahaa filimo ay aktaro ka ahaayeen Rajesh Khanna, Bachchan, Jeetendra, Feroz Khan, Anil Kapoor iyo Govinda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here