Hindiya oo dagaalyahano hubeysan ku dishay ismaamulka Kashmir

0
607

Hindiya oo dagaalyahano hubeysan ku dishay ismaamulka Kashmir

Ciidamada Amniga ee dalka Hindiya ayaa dilay lix dagaalyahan kadib howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen Tuulada Arampora oo dhacda dhanka koonfureed ee degaanka Kashmir.

Taliyaha ciidanka booliska Kashmir Swayam Prakash Pani ayaa sheegay in howlgalkaan uu bilowday aroornimada hore ee saaka ayna ku dileen dagaal yahanada kadib iska hor imaad dhexmaray ciidanka Amniga.

Waxaa uu sheegay in aysan Jirin qasaare ka soo soo gaaray ciidanka, isaga oo dhanka kale ku booriyay dadka rayidka ah in aysan ku dhowaan degaanada ay ku sugan yihiin kooxaha Hubeysan.

argaal kale ayaa sheegay in dadka la dilay dhamaantood ay ahaayeen kuwo u dhashay degaanka balse xiriir la lahaa kooxda Ansar ul Gazwatul Hind oo horay u sheegtay in ay xiriir la leedahay ururka Al Qaacida.

Mid ka mid ah lixda dagaal yahan ayaa ahaa sargaal sare oo ka tirsan kooxdan si weyn na looga garanayo koonfurta dhulka Kashmir ee hindiya.

Intuu socday howlgalkaan ayaa waxaa gabi ahaanba hawada laga saaray adeegii Internet-ka iyo taleefanada aagaasi si looga hortago fariimo iyo xog ay isdhaafsadaan.

Gobolka muslimiinta degto ee Kashmir oo hindiya ay maamusho ayaa sanadkaan waxaa lagu dilay tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada hubeysan iyo ciidanka amniga hindiya,waana tiradii ugu badneyd tan iyo sanadkii 2009-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here