Man United oo ceyrisay tababaraha Reer Portugal ee Jose Mourinho.

0
581

Man United oo ceyrisay tababaraha Reer Portugal ee Jose Mourinho.

War ka soo baxay Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa lagu xaqiijiyay in al ceyriyay tababaraha Reer Portugal ee Jose Mourinho.

Jose ayaa kooxda United 2 sano iyo barkii uu joogay kula guuleystay Koobka Europe League oo aysan waligeed qaadin Man United isaga ka hor.

Waxaa uu Magdhow ahaan u helayaa 22.5Milyan oo lacagta Ingiriiska ah, Qoraal ka soo baxay Man United ayaa lagu sheegay in shaqa ka eryidda Jose ay deg deg u dhaqan geleyso.

Mourinho waxaa ay aad isu hayeen Poul Pogba oo ah xiddig u ciyaara United oo ay isku xumaayeen Jose Mourinho.

Jose ayaa saddex Sano ka hor 17kii December 2015kii laga eryay Kooxda Chelsea, ceyrinta Jose ayaa daba socota guul darradii ka soo gaartay kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool oo 3-1 ku garaacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here