Diyaaradda Kenya Airways oo maanta duulimaad ka bilaabeysa Muqdisho

0
823

Diyaaradda Kenya Airways oo maanta duulimaad ka bilaabeysa Muqdisho

Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaaca ka qaaday inay maanta duulimaad toos ah ka bilaabi doono garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii labo jeer oo hore dib u dhac ku timid.

Duulimaadkan ayaa noqon doona Muqdisho iyo Nairobi, waxaana qorshuhu yahay in maanta gelinka dambe uu si rasmi u bilowdo.

Bishii November oo lagu waday in Kenya Airways duulimaad ka bilowdo Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay inay sameyn doonaan duulimaad maalin ah, iyadoo diyaarada Muqdisho soo caga dhigan doonto 1:45 duhurnimo, kana dhoofi doonto 3:50 galabnimo, iyadoo ka degi doonto garoonka diyaaradaha Nairobi 5:35.

Waa diyaaraddii labaad oo dalalka deriska ah oo duulimaad ka bilowdo Muqdisho, bishii November diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa duulimaas toos ah Muqdisho iyo Addis Ababa bilowday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here