Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

0
622

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Djibouti kula kulmay madaxwaynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood iyo labada shacab, arrimaha gobalka, iyo amniga.

Mahdi Maxamed Guuled ayaa madaxwaynaha Djibouti uga mahad-celiyey taageerada reer Jabuuti  la garab taaganyihiin shacabka iyo dawladda Soomaaliye.

Madaxweyne Geelle ayaa intii kulanku socday ballan qaaday inay joogtaynayaan is-garab istaagga shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Wsiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labad dawladood ayaa qayb ka ahaa kulanka ay yeesheen ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Djibouti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here