62 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka geestay soomaaliya

0
594

62 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka geestay soomaaliya

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 62 dagaal yahan oo ka tirsan ururka Al Shabab ay ku dileen lix weerar oo duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka geesteen labadii maalin ee la soo dhaafay degaanka Gandershe oo dhanka koonfureed kaga beegan gobolka Banaadir.


Taliska Milatariga Mareykanka ee loo yaqaan (Africom) ayaa isniinta maanta ah sheegay in 4 weerar oo dhacay maalinkii sabtida lagu dilay 34 dagaalyahan halka halka labadii duqeyn ee axadii shalay ay ku dileen 28 dagaalyahan.

War saxafadeedka taliska Mareykanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in howlgalkaan ay si wadajir ah ay uga qeyb qaateen ciidanka soomaaliya iyo Mareykanka.

Africom ayaa tilmaantay in degaanka Gandershe ay kooxaha argagixsada ka dhiganayeen gabaad iyo goobo ay mustaqbalka ka soo abaabulaan weerarada.


Duqeyntan dhanka cirka ah oo mareykanka ka geestay gobolka shabeelaha hoose ayaa aheyd tii ugu dhimashada badneyd ee sanadkaan, iyadoo ilaa iyo hada aan la soo tabin dad rayid ah oo ku dhintay.

Dowlada Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah oo ay la beegsaneyso fariisimaha Ururka Al shabab oo dagaal kula Jira ciidanka dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here