Farmaajo iyo Afwerki oo isku raacay dib u soo celin xiriirka labada dal

0
493

Farmaajo iyo Afwerki oo isku raacay dib u soo celin xiriirka labada dal

Madaxweynaha dowlada Fedaraalka soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa isku raacay in si Rasmi ah loo soo Celiyo Xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal.

Labada hogaamiye ayaa shan iyo tobankii bishii July ku heshiiyay waxaana booqashada hogaamiyaha Eritrea ay ku soo aadeysaa kadib kulamo uu horay ula qaatay madaxweyne Farmaajo oo ka dhacay dalalka Itoobiya ee Eritrea.

Waxaa sidoo kale labada hogaamiye ay isku raaceen in si deg deg ah loo furo safaaradaha Asmara iyo Muqdisho.

Arintaan ayaa waxay qeyb ka tahay dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in xal waara looga gaaro colaada iyo xasilooni darada geeska Afrika.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkaan Raisul wasaare Abiye Axmed waxaa soo wanaagsanaayay xaalada siyaasadeed ee sadexdan dal oo horay ay colaad u dhexmartay.

Eritrea ayaa xiriir soo jireen ah waxay la laheyd dalka soomaaliya waxaana dad u kala dhashay labada dal ay ku kala nool yihiin wadamadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here