Xildhibaan ka tirsan Koofur Galbeed oo lagu dilay Baydhabo iyo Rabshado wali ka socda magaalada

0
500

Xildhibaan ka tirsan Koofur Galbeed oo lagu dilay Baydhabo iyo Rabshado wali ka socda magaalada

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in la dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed, iyadoo xiisada ka taagan magaalada ay cirka isku shareertay, kaddib markii ay ka dhaceen iska hor imaadyo.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa Gudoomiyihii Guddiga Amniga ee baarlamaanka, ayaa dilkiis aka dhacay nawaaxiga Saldhiga Booliska ee baydhabo, Saldhiga waxa uu ku dhowyahay Madaxtooyada KMG-ka ah ee Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka la dilay uu waday dadaalo la xiriirta xal u helida rabshadihii ka socday magaalada Baydhabo, isgaoo isku dayayay inuu u tago labada Ciidan, si aan mar kale gacan ka hadal uga dhicin magaalada.

Si dhab ah looma oga cida ka dnabeysa dilka Xildhibaanka, balse dhinacyada isku haya magaalada, ayaa midba midka kale ku eedeynaya mas’uuliyada dilka Xildhibaan C/shakuur Yacquub Ibraahim.

Dhinaca kalena, Xaalada guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah wali mid kacsan, waxaana socda banaanabxyo ay dhigayaan taageerayaasha Roobow, kuwaasoo dalbanaya in Musharax Mukhtaar Roobow la sii daayo si uu u tartamo.

Dadka ku sugan Baydhabo ayaa ku soo waramaya in saaka ay kala xiran yihiin xaafadaha magaalada, sidoo kalena aaney jirin wax ganacsi ah oo furan.

Rasaas goos goos ah ayaa mararka qaar laga maqlayaa magaalada, waxaana wali xal laga gaarin Xiisada taagan, iyadoo xili kasta la filan karo inuu dagaalkii shalay oo kale uu dib u qarxo.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale ka socda kulamo gaar gaar ah oo xal loogu raadinayo Xaalada cakiran ee ka jirta Baydhabo, maadaama wax ka yar todobaad ay ka harsan tahay doorashada.

Lama oga waxa ay ku dambeyn doonto xaaladaBaydhabo, iyadoo Dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay wadada ay u martay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana jira eedeymo uga imaanaya xubnaha Koofur Galbeed ugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here