Tiro Dad ah oo Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Magalada Ankara+SAWIRO

0
667

Tiro Dad ah oo Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Magalada Ankara+SAWIRO

Guddoomiyaha Ankara, Vassip Sahin ayaa sheegay in ay ugu yaraan 7 qof geeriyootay, 43 kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii uu Tareenka nooca dheereeya  herdiyey gaadiid kale oo ay la socdeen Kormeerayaal dabagal ku sameeya Tareenadda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay socdaan dadaalka gurmadka iyo baaritaanka dhinaca farsamo waxa sababay shilkaasi oo ka dhacay Degmadda Yenimahalle ee Galbeedka Ankara.

Tareenka shilka galay oo lagu magacaabo the Marsandiz train  oo isaga kala gooshayey magaalooyinka Ankara iyo Konya waxa uu shilka ku galay Bosteejo uusan caadi ahaan loogu talagalay inuusan Tareenkaasi joogsanin.

Dhinaca kale, Ma aha shilkii ugu xumaa ee dhinaca Tareenadda ee ka dhaca dalkaasi.

Bishii July ee sannadkan, 10 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 70-kalena wey ku dhaawacantay, kadib, markii uu Tareen ay la socdeen dad rakaab ah uu ku qalibmay W/galbeed ee dalkaasi.

Sidoo kale,  bishi ila soo dhaafay, 15 qof ayaa ku dhaawacantay Shil Tareen oo ka dhacay Deegaan 260 KM dhanka K/galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here