Haweeney kenyan ah oo maseer dartii iyada iyo ilmo ay dhashay iskugu gubtay Kisumu

0
663

Haweeney kenyan ah oo maseer dartii iyada iyo ilmo ay dhashay iskugu gubtay Kisumu

Haweeney u dhalatay dalka kenya iyo laba caruur ah oo ay dhashay ayaa ku gubtay deetana ku dhintay guri ku yaal xaafada Otonglo ee ismaamul goboleedka Kisumu.

Gudoomiyaha Arimaha nabed gelyada iyo bulshada aagaas u xilsaaran dowlada Simon Orwa ayaa isniinta maanta ah u sheegay warbaahinta maxaliga ah in arintaan ay ka danbeysay muran ku saleysan maseyr oo dhexmaray haweeneyda isgubtay iyo seygeeda.

Ninka qaba haweeneydan oo ka shaqeeya magaalada Eldoret ee gobolka Rift Vallay ayaa sheegay in uu doonayo in uu guursado xaas labaad taasi oo keentay in muran iyo maseyr uu ka dhasho.

Sida laga soo xigtay dariska Rukia Anyango oo 26 jir aheyd ayaa ka soo iibsatay 20 liitar oo shidaal ah kaalin lagu gado shidaalka,si ay isugu gubto.

Markii ay tagtay gurigeeda ayaa waxay u wacday ilmaheeda oo lagu kala magacaabayay Shirleen, oo 6, jir ahaa iyo Asman waxaana ay hoos ka xirtay guriga ka hor inta aysan isla guban.

Hooyada dhashay gabadhan maseerka isku gubtay oo lagu magacaabo Mrs Sarah Wamboga ayaa sheegtay in gabadheeda ay ku soo wargalisay Arintaan balse ay aad uga xuntay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here