AKHRISO : 10 jillaa oo caan ka ah Bollywood kuwaasoo guulo ka gaaray dhanka ganacsiga 

0
1382

AKHRISO : 10 jillaa oo caan ka ah Bollywood kuwaasoo guulo ka gaaray dhanka ganacsiga

Waxaa jira xiddigo badan oo caan ku noqday shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Film Industry kuwaasoo sidoo kale guulo ka gaaray dhanka ganacsiga. Warbixintaan ayaana kusoo qaadan doonaa 10 xiddig oo ka tirsan Bollywood Town kuwaasoo sidoo kale guulo ka gaaray ganacsiga.


#1 SHILPA SHETTY KUNDRA

Marka laga tago inay ka shaqeyso Bollywood, sidoo kale waxay leedahay shirkad soo saarta lebiska jimicsiga oo ku taalla Mumbai.

Waana milkiilaha kooxda Rajasthan Royals, taasoo uu sidoo kale saami ku leeyahay seygeeda Raj Kundra. Kuna darso waxay leedahay shirkadda barafuunka ee S2. Sidaas darteed Shilpa waa shaqsi saameyn ku leh dhanka ganacsiga.

#2 SHAH RUKH KHAN

Baadshah of Bollywood wuxuu leeyahay shirkadda aflaanta maalgelisa ee Red Chillies Pvt Ltd. Sidoo kale wuxuu leeyahay kooxda Kolkata Knight Riders.

#3 SUNIL SHETTY

Marka laga tago inuu yahay jillaa weyn, Sunil Shetty sidoo kale wuxuu leeyahay shirkadda aflaanta maalgelisa ee Popcorn Entertainment. Kuna darso goobo lagu caweeyo iyo maqaayado heer sarre ah ayuu ku leeyahay Mumbai.

#4 SUSHMITA SEN

Gabadhaan loo caleemo saaray Miss Universe sannadkii 1994tii, Sushmita ayaa sidoo kale waxay leedahay aragti ganacsi. Dubai waxaa ugu yaalla dukaan lagu iibiyo dahabka, waxayna leedahay shirkadda aflaanta maalgelisa ee Tantra Entertainment. Maqaayadaha Sensazione iyana waxaa leh Sushmita.

#5 TWINKLE KHANNA

Xaaska jillaaga caanka ah ee Bollywood Akshay Kumar, gabadha lagu magacaabo Twinkle Khanna waa shaqsi ku wanaagsan dhanka naqshadeyda guryaha, waxayna leedahay shirkadda White Window. Sidoo kale waxay qortaa buugaagta sheekooyinka qosolka leh.

#6 LARA DUTTA

Ka dib markii ay guursatay Mahesh Bhupati, Lara ayaa waxay furatay shirkadda sameysa guntiinooyinka ay xirtaan gabdhaha Hindiga ah ama saariga ee Chabbra 555. Waana milkiilaha shirkadda aflaanta maalgelisa ee Bheegi Basanti.

#7 AAMIR KHAN

Mr. Perfectionist of Bollywood sidoo kale waa mid ku wanaagsan dhanka ganacsiga. Waana milkiilaha shirkadda aflaanta maalgelisa ee Aamir Khan Productions taasoo hadda ka hor maalgelisay aflaan guulo ganacsi gaaray oo Bollywood ah.

#8 SALMAN KHAN

Marka laga tago aflaantiisa iyo showga Bigg Boss, Salman Khan wuxuu leeyahay NGO-ga Being Human iyo shirkadda Salman Khan Production.

#9 AMITABH BACHCHAN

Halyeeyga Bollywood sidoo kale wuxuu daadihiyaa barnaamijyo caan ah, waana milkiilaha shirjadda Amitabh Bachchan Corporation Limited (ABCL) taasoo maalgelisay aflaan ay ka mid yihiin Paa, Tere Mere Sapne, Saat Rang Ke Sapne, Mrityudaata iyo kuwo kale.

#10 MITHUN CHAKRABORTY

Mithun wuxuu ka ganacsadaa hantida maguurtada ah marka laga tago inuu jillaa yahay, wuxuuna leeyahay shirkadda Monarch Group, taasoo sidoo kale waxbarashada iyo caafimaadka diiradda saarta. Paparatzy Productions oo ah shirkad aflaanta maalgelisana waxaa iska leh Mithun Chakraborty.

Filimside

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here