DEG DEG : Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Madaxwayne Farmaajo Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Madaxwaynaha “Dalka kama Bixi Kartid”

0
590

DEG DEG : Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Madaxwayne Farmaajo Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Madaxwaynaha “Dalka kama Bixi Kartid”

Xildhibaanada Mooshinka xil ka qaadista ka keenay Madaxweyne Farmaajo oo ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa baaq culus soo saaray.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay labo qodobo, waxaana ay waxba kama jiraan ku tilmaameen hadalkii Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka oo ahaa in Mooshinka uu buray.

Baaqa ay soo saareen Xildhibaanada ayaa sidan u qornaa:-

1. Inuu u hoggaansamo dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

2. Inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen Barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:

a) In wax heshiis ah uusan geli karin.

b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.

c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here