Dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Milatari oon Xabsi la geyn doonin

0
635

Dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Milatari oon Xabsi la geyn doonin

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday maanta waxii ka dambeeya dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto howlgalada ay sameeyaan ciidanka Milatariga in aan xabsiga la dhigi doonin.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadka ayna talaabo adag ka qaadi doonaan dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto howlgalada.

Waxa uu sheegay Taliye Indha Qarshe in hada waxii ka dambeeya dagaalyahanada Al Shabaab ee lagu qabto howlgalada milatari aan xabsi la geyn doonin kana qaadi doonaan talaabo adag.

Indha Qarshe ayaa sheegay in Shabaab iyagunba aysan naxariis u sameyn ayna dilaan saraakiisha iyo ciidanka Milatariga, waxa uuna cadeeyay in xitaa aysan daaweyn doonin xubnaha katirsan Shabaab ee la qabto iyaga oo dhaawac ah.

Hadalka Taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xili khamiistii Al Shabaab qarax miino ku dileen saraakiil sare sare oo katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here