Shabaab oo sheegatay masuuliyada Qarax lagu dilay masuul katirsan Xukuumada Somaliya.

0
610

Shabaab oo sheegatay masuuliyada Qarax lagu dilay masuul katirsan Xukuumada Somaliya.

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo gelnkii danbe ee maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Seydka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Caasimada, ayaa ahaa nooca Dhejiska ee shaqsiyaadka la bartilmaameedsado gawaraida loogu xiro, Jugta Qaraxa waxaa laga maqlay degmooyin badan oo kamid ah Caasimada.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Qaraxa ninka gaariga loogu xiray uu ahaa Agaasimaha Waaxda Boostada iyo isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada xukuumadda Somaliya.

Saacid Xuuke Jaamac, oo ah ninka la beegsaday, ayaa isla goobta ku geeriyooday, Waxaa jira sidoo kale dhaawcayada laba qof oo kale oo mareysay nawaaxiga halka gaariga uu ku qarxay oo aan ka fogeyn xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somaliya.

Saraakiisha laamaha amaanka, waxey inoo sheegeen in gaariga qarxay oo noociisu ahaa Kaarib uu bur bur xoogan ka soo gaaray qeybta hore, maadaama qaraxa lagu xiray kursiga uu ku fadhiyay Agaasimaha Waaxda Boostada iyo isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada xukuumadda Somaliya.

Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa, waxeyna sheegeen inuu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, ayna qeybo kamid ah degmada Waaberi ay ku dileen masuul katirsan Wasaarada Boostada Somaliya, Sidaas waxaa faafisay Baraha taageerada u ah Shabaab.

Muqdisho iyo hareereheeda waxaa maalmahan joogto ka noqday weerarada ay geysanayaan Kooxaha Shabaab iyo Daacish, waxaana weerarada ay isugu jiraan dilal qorsheysan, Weeraro toos ah iyo Qaraxyo shaqsiyaadka gawaaridooda loogu xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here