HRW oo ugu baaqday dowlada Argentina in ay xirto dhaxal sugaha sacuudiga

0
717

HRW oo ugu baaqday dowlada Argentina in ay xirto dhaxal sugaha sacuudiga

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxay ugu baaqaan ciidamada amaanka Argentina in ay xabsiga dhigaan dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Human Rights Watch, ayaa ku eedeysay dhaxal suge Salmaan in uu galay danbiyo bani aadanimo oo ka dhan ah shacabka Yemen.

MBS ayaa maanta u duulay magaalada caasimada ah ee Buenos Aries oo uu ka dhici doono maalinta jimcaha iyo sabtida shirka wadamada ugu dhaqaalaha badan caalamka ee loo yaqaan G20.

Codsiga loo gudbiyay dowlada Argentine ayaa waxaa kaloo ku xusnaa in uu amray duqeymo badan oo aan loo meel dayin kuwaasi oo ku habsaday degaano ka baxsan jiidaha hore ee dagaalka.

Dhanka kale Human Rights ayaa sheegtay in Maxamed bin salmaan uu ka danbeeyo falkii lagu qaarijiyay warihii sacuudiga ee Jamal Khashoggi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya baaqyada ay wadamada caalamka u jeedinayaan hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha taasi oo ku aadan in la xiro dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin salmaan oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku maraya dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here