70 ruux oo dhaawac uu ka soo gaaray dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Iiraan

0
736

70 ruux oo dhaawac uu ka soo gaaray dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Iiraan

Ugu yaraan 70 ruux ayaa ku dhaawacmay dhul gariir xoogan oo cabirkiisu yahay 6.4 oo ka dhacay meel qiyaastii 163 kiilo mitir dhanka waqooyi bari u jirta magaalada Baqdaad ee caasimada ciraaq.

Degaankan ayaa dhanka kale 20 kiilo mitir waxaa uu masaafo ahaan u jiraa magaalada Sarpol Zahab ee dhacda dhanka koonfur galbeed ee wadanka Iran.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in ay dad ku dhinteen walow dowlada Iiraan aysan xaqiijin dad ku dhintay mashaqadaan.

Dhul gariirkaan ayaa waxaa xaqiijiyay waaxda saadasha hawada ee midowga yurub oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan xukuumada Tehran.

Ciidamada gurmadka iiraan ayaa loo daabulay halka uu dhulgariirka ka dhacay iyadoo ilaa iyo hada aan la soo tabin qasaare nafeed oo ka dhashay arintaan marka laga reebo daaro burburay.

Wadamada Iran ciraaq iyo kuweyd ayaa horay looga digay in uu ka dhici doono dhul gariirka maanta ku dhuftay dalka iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here