Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Rome ee dalka Talynaaniga

0
532

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Rome ee dalka Talynaaniga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Warbaahinta kula hadlay Magaalada Roma, isagoo ka mahad celiyay sida ay u soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Dowlada Talyaaniga, wuxuuna sheegay in booqasho Laba maalin ah uu ku joogayo dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte iyo Madaxwaynaha dalkaasi Sergio Mattarella uu kala hadli doono sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga Labada Dowladood oo xiriir soo jireen ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne iyo Wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa sidoo kale la kulmi doona Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here