RW Kheyre Oo La Kulmay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Wadanka Finland.+SAWIRO

0
563

RW Kheyre Oo La Kulmay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Wadanka Finland.+SAWIRO

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale.

Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here