Magaalo aysan raggeeda banaanka u soo bixin

0
693

Magaalo aysan raggeeda banaanka u soo bixin

Waxa aan ku noolnahay cabsi iyo argagax ku saabsan dagaallada ka socda Bamenda. Magaaladan ayaa horay u ahayd meelaha ugu nabadda badan ee dalka Cameroon, balse hadda waxa ay noqotay xarun dagaal oo ay ku hardamaan ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka oo dalbanaya madax banaani ay helaan dadka ku hadla luuqadaha ay ku hadlaan kuwa lagada tirada badanyahay.

in ka badan kala bar bulshada ku nool magaaladan oo gaaraya ilaa 400,000 oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda.

Dibadbaxyo ayaa ku soo badanayey waqooyi bari iyo gobolka Koonfur galbeed .

“Dilalka iyo cabidda xashiiska”

Hadda, dhawaaqa madaafiicda ayaa noqday wax caadi u ah carruurta laba sano jirka ah, maydadka ayaa yaala jidadka Bamenda, oo ah magaalada ay ugu badantahay bulshada ku hadasha luuqadda Ingiriiska.

.Lahaanshaha sawirkaAFP

Sawir muujinaya afar wiil oo ay dhaawaceen ciidamada iyagoo guryahooda jooga ayaa maskaxda dad badan qabsaday.

“Afduubyo badan”

Ciidamada ayaa tuhma dhalinyarada qaar kuwaas oo aysan badanaa jaclaysan sida ay timaha u jartaan ama ay u dhaqmaan. Waxaa la aaminsanyahay inay magaalada yimaadaan ka ddib marka uu milateriga tobabarada ku siiyo baadiyaha.

Qariirad

Ciidamo hubaysan ayaa magaalada Bamenda iyo nawaaxigeeda ku haraaraysan. Qaar ka mid ah waxaa laga dhigay dagaallamayaal, iyadoo qaar kalana ay yihiin dambiilayaal is bahaystay.

Mar walba ma cadda wax yaabaha ka dambeeya weeraradan, balse waxaa jira afduubyo badan oo loo gaysto carruurta ardayda ah, siyaasiyiinta iyo madaxda kale.

Carruurta “iskuulada ka cararaya”

Afduubyadii ugu dambeeyey, 80 arday ah iyo macalinkooda ayaa la soo daayey kaddib markii laga afduubtay iskuulkooda.

Dagaalamayaashan ayaa dafiray ku lug lahaanshaha afduubkan, balse dowladda ayaa ku eedaysay inay ka dambeeyeen falkan.

Kummanaan carruur ah ayaa waxa ay waalidkooda u diraan iskuulada ku yaala magaalooyinka nabadda ah.

.Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Waxaa jira iskuullo aad u yar oo wali furan, balse tirada ardayda iskuullada timaada ayaa hoos usii dhacaysa.

Bishii la soo dhaafay, macalin wax ka dhiga jaamacad una dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu dilay magaalada Bamenda.

Kaydka maydadka ayaa badanaa waxa buux dhaafiya dad la soo dilay, waxaana meydadka u badan dad rayid ah.

Nabad ma jirto, lamana xasuusta markii ugu dambaysay ee ay dadka magaaladan isbooqdan.

.Lahaanshaha sawirkaALAMY

.
.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

“Jidadka xiran”

bandow lagu soo rogay magaalada ayaa waxa looga golleeyahay in lagu xakamadeeyo howgallada ay samaynayeen mucaaradka, kuwaas oo ka faa’iidaysta mugdiga si ay weeraro u qaadan.

Dagaalkan ayaa gabi ahaanba burburiyey nolosha habeenkii ee magaalada. Waxaa dansan nalalka magaalada.

“Maalmaha Shaqada ayaa isbaddalay”

Kooxdan ayaa sidoo kale la timaada waxa ay ugu yeeran “magaalooyinka aan lamaqal”, iyadoo la xiro magaalada maalinta Isniinta ah.

BamendaLahaanshaha sawirkaPETER TAH
Image captionBamenda

Shirkado badan ayaa maalinta Sabtida ah ka dhigtay maalin shaqo si ay magdhaw uga dhigaan maalinta Isniinta, balse mararka qaar waxa ay ku soo rogaan amar ah inay isbuucii oo dhan xiraan.

Xaaladda ayaa xun balse waxaa ay ku sii baahaysaa oo dhibaatada ugu weyn dareemaya bulshooyinka ku nool magaalooyinka yar yar sida: Bafut, Bali, Batibo, Bambui, iyo Bambili

Boqollaal qof oo isugu jira dad rayid ah, mucaarad iyo booliska ayaa lagu dilay qalalaasaha. 436,000 dad ku dhowna wey ku bara kaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here