Daanyeer wiil yar ka dafay dhabta hooyadii ka dibna dilay

0
776

Daanyeer wiil yar ka dafay dhabta hooyadii ka dibna dilay

Wiil yar oo 12 maalmood oo kaliya dhallan ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada Agri ee woqooyiga dalka India ka dib markii daanyeer uu ka dafay dhabta hooyadii ka dibna uu qaniinay.

Sida ay sheegeen qoyska wiilkan yar, daanyeerka ayaa soo galay guri ay hooyada dhashay wiilkan ay naaska ku nuujineysay.

Daanyeerka ayaa markii uu willka ka dafay dhabta hooyadii la fuulay guri ay deriska leeyihiin, halkaasi oo uu uga tagay isaga oo ay qaniinyo ku taal ka dib markii dadka deegaanka ay ceyrsadeen oo ay tuuryeeyeen.

Wiilkan yar ayaa isbitaalka ugu dhintay qaniinyadii daanyeerka, waxaana dadka deegaankaasi ay sheegayaan in waayadaan dambe ay kordheenm weerarka ay daanyeertu ku soo qaadeyso dadka ku nool deegaankaasi.

 

Dhirendra Kumar oo adeer u ah wiilkan yar ee ayaa BBC-da u sheegay in qoys ahaan ay aad uga naxeen waxa dhacay.

“Daanyeerro aad u badan ayaa ku nool deegaankan. Cabsi ayaan ku nool nahay. Dhawr jeer ayaan maamulka deegaanka u sheegnay arrintan oo aan ka codsannay in ay nacaawiyaan balse waxba kama aysan qaban. Hooyada wiilkaasi yar ayay xitaa ku adag tahay in ay ka hadasho sida uu wiilkeeda u dhintay,” ayuu yiri Dhirendra Kumar.

Pushpa Devi oo ayeeyo u ah wiilkan yar ee u dhintay qaniinyada daanyeerka ayaa sheegtay in qoys ahaan “aysan waligood ka soo kabsan doonin” geerida wiilkooga.

daanyeerLahaanshaha sawirkaYOGESH KUMAR SINGH

“Waxaa naga dhintay wiilkii aan ayeeyada u ahaa. Aniga ayaa dhabta ku hayay wax yar uun ka hor inta uusan daanyeerku soo weerarin. Ma ahayn in wiilkayagu uu sidaasi ku dhinto. Dadka nala deggan muddo kooban ayay ka hadli doonaan sida uu u dhintay, ka dibna waa ay iska illaawi doonaan balse innagu sidaa kuma illaawi karayno,” ayay tiri.

Ajay Kaushal oo ah taliyaha ciidamada saldhigga booliska ee halkaasi ka ag dhow ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in daanyeerku uu si xun u dhaawacay cannugaasi yar.

“Daanyeerka ayaa cannugani ka qaniinay madaxa ka dibna uga tagay gurigii uu la fuulay korkiisa ka dib markii ay dadku ceyrsadeen oo ay tuuryeeyeen,” ayuu yiri taliye Ajay Kaushal.

Dhacdadani ayaa ah tii ugu dambeysay weerarro dhawr ah oo daanyeertu ku soo qaaday dadka deggan Agra, halkaasi oo ay ku taal taallada caanka ah ee Taj Mahal.

Laba bilood ka hor, cannug kale ayaa waxaa dhaawacay daanyeer, walina waxaa lagu dabiibayaa isbitaal halkaasi ku yaal.

Bishii Maajo ee sanadkan, daanyeerro ayaa taallada Taj Manhal ku weeraray laba qof oo dalxiiseyaal ahi.

Kumar Singh Shravan oo ah nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in “daanyeertu ay aad ugu badan tahay Agra.”

daanyeerLahaanshaha sawirkaYOGESH KUMAR SINGH

“Daanyeertu waxay xaafadaha ka soo raadsataa cunno balse mararka qaar dadka ayay alaabaha ka daftaa isla markaana ay weerartaa.”

Kumar Singh ayaa ku doodaya in daanyeertu ay billowday in ay dadka weerarto ka dib markii laga barakiciyay goobihii ay ku nooleyd oo ay ku fidday magaalada Agra.

Waxa uuna intaa ku daray in ururada maxalliga ahi qaarkood ay in muddo ah ku baaqayeen in la daweeyo daanyeerradu isla markaana laga saaro liiska duurjoogta ay tahay sharciyan in la badbaadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here