Golaha Ammaanka ee QM oo lagu wado inuu Eritrea ka qaado cunaqabateynta saaran

0
626

Golaha Ammaanka ee QM oo lagu wado inuu Eritrea ka qaado cunaqabateynta saaran

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inay fadhi gaar ah yeeshaan, kaasoo warbixin looga dhageysanayo Guddiga la socodka Cunaqabateynta Eritrea iyo Soomaaliya.

Dowladda Eritrea ayaa rajo weyn ka qabta in laga qaado cunaqabateynta la saaray sanadkii 2009-kii, taasoo isugu jirtay cunaqabateynta hubka, xayiraadaha hantida iyo safarada ee la saaray dowladda Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso Al-Shabaab iyo inay diiday qaraarkii lagu xalinayay muranka xuduuda ee kala dhaxeeyay Jabuuti.

Qaraar qabyo ah oo ay heshay Wakaaladda Wararka ee AP ayaa muujinaya in Eritrea laga qaadi doono cunaqabateyntii saarneyd muddo 9 sano ah, taasoo Caalamka intiisa kale ay go’doon kaga noqotay.

Sidoo kale waxaa loogu baaqi doonaa inay sii wado dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo muranka xuduuda ee u dhaxeeya iyaga iyo Jabuuti, iyadoo la eegayo sharciyada caalamiga ah.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inay muddo sanad kale ku sii daraan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha.

Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika iyo heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ee soo afjaray colaadii 20-ka sano u dhaxeysay ayaa fursad u noqday in mar kale Eritrea ay ku soo muuqato saaxada, isla markaana ka baxdo go’doonkii ay ku jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here