Akhri Liiska Magacyadda Wasiirradii Soo Qabtay Xilka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Sidii Ay Madaxweyneyaashii Ka Horreeyay Muuse Biixi Uga Fogayn Jireen Beeshooda

0
1161

Akhri Liiska Magacyadda Wasiirradii Soo Qabtay Xilka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Sidii Ay Madaxweyneyaashii Ka Horreeyay Muuse Biixi Uga Fogayn Jireen Beeshooda

Marka laga hadlayo nidaamka beelaysan ee Somaliland iyo in beeluhu mar walba miqyaaska saaraan hadba sida ay isaga dhex arkaan awoodda qaranka ee la xidhiidha mansabyada Muhiimka ah ee dawladda oo ah arrin soo taagnayd tan iyo wakhtigii Somaliland dib ula soo noqotay qaranimada ayaa isku shaan-dhayntii ugu dambaysay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay dhalisay doodo culus oo la xidhiidha xilalka Madaxweynuhu wax ka badalka ku sameeyey oo markiiba la saaray fuudhka.

Isku shaandhayntii dorraad ee ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha hadal haynteeda ugu badani waxa ay ka dhalatay xil-ka qaadistii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi laguna baddalay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire. Dad badan ayaa ku doodaya in dheelligii marka horeba ku jiray Miisaanka awood qaybsigu uu u sii ciiray xagga Beesha Madaxweynaha.

Waxa aynu halkan ku eegi doonaa Liiska dhammaan Wasiirradii Maaliyadda soo maray iyo sida Madaxweynayaashii dalka isaga kala dambeeyey ay ugu soo xusheen. Marka laga soo bilaabo xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali oo waddanku xaalad adag isaga jiray. Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay soo martay heerar kala duwan oo kolba meel taagnaa. Sannadihii u dhexeeyey 1993-kii ilaa 1995-kii wasaaradda Maaliyaddu waxa ay u qaybsami jirtay laba Wasaaradood oo la kala odhan jiray, Wasaaradda Khasnadda iyo Wasaaradda Maaliyadda, balse markii dambe waa la isku daray oo waxa loo bixiyey Wasaaradda Maaliyadda.

Liiskan oo uu soo ururiyey Wargeyska FOORE waxa uu u dhigan yahay sidan:

Yuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (IHU) u cugtay Maaliyadda?

Ismaaciil Hurre Buubaa….1991 illaa 1993
C/laahi Maxamed Ducaale….1993 illaa 1994
Ibraahin Cabdi Muuse…1994
Wasiirradii Madaxweyne Cigaal u doortay Maaliyadda:

Maxamed Axmed Samatar “Ildab” – 1994
Maxamed Dhimbiil Galbeedi…1995 illaa 1995
Cawil Xaaji Cumar 1994 Illaa 1995 “Wasiirka Khasnadda”
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) 1996 illaa 1996
Eng. Yuusuf Caynab Muuse…1996 illaa 1997
Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siillanyo’- 1997illaa 1999
Prof. Maxamed Siciid Gees…1999 illaa 2001
Xuseen Faarax Dooddi….2001 illaa 2003
Wasiirradii Madaxweyne Daahir Rayaale u doortay Maaliyadda:

Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)……2003 illaa 2010
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi…2010 illaa 2012
C/casiis Maxamed Samaale… 2012 illaa 2015
Samsam Cabdi Aadan…..2015 illaa 2017
Wasiirrada Madaxweyne Muuse Biixi u doortay Maaliyadda:

Yuusuf Maxamed Cabdi……2017 illaa 2018
Dr. Sacad Cali Shire – Imika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here