DEG DEG : Maamulihii Xilka Laga Qaadey Ee Madaarka Hargeysa Oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo

0
584

DEG DEG : Maamulihii Xilka Laga Qaadey Ee Madaarka Hargeysa Oo Diiday Inuu Xilka Wareejiyo

Hargeisa (Dalmar-News):-Maamulihii dhawaan xilka ka qaadey maareeyaha Haaya’dda Duulista Somaliland  ayaa waxaa uu si cad u diiday in uu xilkii laga qaadey uu ku wareejiyo masuulkii loo magacaabey .

Maamulihii hore ayaa tiraba laba jeer oo loo balan  sanaa   xil wareejintiisa uguna danbeysay maalintii shalay aheyd  diiday in uu xilkaasi wareejiyo .

Sababta uu u diiday in uu xilka wareejiyo ayaa warar soo gaadhaya Ilaysnews.com waxaa ay sheegayan in ay tahay kadib markii uu maamulihii  hore dalbadey saxaafada tiro badan oo ka soo qeyb  gala xafladiisa , isla markaana uu sheegay in uu ku soo bandhigayo wax qabadkiisii

Mareeyahada Haaya’dda Duulista ayaa la sheegay in uu dalabkaasi diiday uu ku war galiyey in xilka uu ka qaadey aanu aheyn xil siyaasadeed balse uu yahay  Shaqaale , isla markaana  uu xilkaasi u wareejiyo si qof shaqaale ah oo xilkii laga qaadey , balse aanu u wareejin sidii wasiir siyaasi ah oo xilka laga qaadey , taas oo uu maamulihii xilka laga qaadey ku gacan seydhay

Lama oga ilaa hada xiliga rasmiga ah ee uu maamulihii xilka laga qaadey si rasmi ah u wareejin doono xilka laga qaadey.

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here