Warar ku soo kordhay baaritaanka dilkii Jamal Khashoggi

0
727

Warar ku soo kordhay baaritaanka dilkii Jamal Khashoggi

Wargeyska ka soo baxa dalka Turkiga ee Sabah ayaa lagu daabacay cadadkiisii Axada in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray laguna ridey shan boorso kadib markii lagu dhex ceejiyay bil kahor qunsuliyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul.

Iyadoo uu wargeysku soo xigtey mas’uul uusan magacaabin oo ka tirsan maamulka dalka Turkiga ayuu qoray in shanta boorso ee lagu ridey meydka Jamal Khashoggi la geeyay guriga uu ka degenaa qunsulka Turkiga magaalada Istanbul isla maalintii la qaarijiyay Khashoggi.

Sarkaalka uu soo xigtey wargeyska Sabah ayaa sidoo kale sheegay in Maher Mutreb, Salah Tubeigy iyo Thaar al-Harbi ay ahaayeen saddexda ruux ee hoggaaminayay kooxda ka koobneyd 15ka xubnood ee la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khashoggi.
Inkastoo ay weli soo baxayaan warar horleh oo ku saabsan dilka Khashoggi ayaan illaa iyo hadda la helin halka lagu qariyay meydka saxafiga.

Mutreb ayaa ah gacan yaraha dhaxalsuge Maxamed Bin Salman,Tubeigy ayaa ah aqoonyahan ku taqasusay kimikooyinka halka uu Al-Harbi yahay sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada boqortooyada.

Alwaleed bin Talal oo sheegay in baaritaanka Khashoggi ay salfan doonto Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacudi Carabiya

Amiir Alwaleed bin Talal oo ah maalqabeen ganacsade caan ah kana soo jeeda qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah haddii lagu sameeyo dilka Jamal Khashoggi ay salfan doonto hogaamiyaha Boqortooyada Sacudi Carabiya.
“Waa in Sacudi Carabiya ay shaacisaa baaritaanka dilka Khashoggi taasoo la hubo inuu xilka ku weyn doono hogaamiyaha Boqortooyada.”ayuu yiri Alwaleed oo la hadlayay taleefishinka Fox News.

“Waxaan hubaa boqolkiiba boqol in dhaxalsugaha oo ah hadda hogaamiyaha boqortooyada ay salfan doonto natiijada ka dhalata baaritaanka dilka Khashoggi.”ayuu sii raaciyay maalqabeenkan ka tirsan qoyska reer boqor.

Amiir Alwaleed ayaa ka mid ahaa tobanaan ruux oo amiiro iyo maalqabeeno isugu jira kuwaasoo uu xirey Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman balse Alwaleed ayaa ka mid ah qaar ka mid ah amiirada oo la sii daayay.

Maalqabeenkan Alwaleed ayaa ah qofkii ugu horeeyay oo ka tirsan qoyska reer Boqor oo si toos ah uga hadla dilka Khashoggi isla markaana farta ku fiiqa Dhaxalsugaha laga baqanayo ee haatan hogaamiya siyaasadda Boqortooyada Sacudi Carabiya.

Xigasho; Aljazeera,Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here