Turkiga Oo Soo bandhigay Qaabkii Loo Dilay Wariye Khaashuqji

0
765

Turkiga Oo Soo bandhigay Qaabkii Loo Dilay Wariye Khaashuqji

Turkiga ayaa bixiyey hadalkii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ah sida ay rumaysan yihiin in qoraaga Kamaal Khaashuqji loo dilay.

Waxay sheegeen in degdeg loo ceejiyey.

Hadalka ayaa yimid ka dib todobaadyo ay jireen warbixinno ay warbaahintu sii deynaysay oo la xiriiray dilka qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul gudaheeda lagu dilay 2 Oktoobar. Turkigu weli caddaymo ma uusan keenin.

Dacwad soo oogaha Turkiga, Irfan Fidan, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay Isniintii dhiggiisa Sacuudiga aysan ka soo bixin “natiijo wax ku ool ah”.

Sacuudigu kama uusan hadlin kulankaas.

Hadalka uuTurkiga soo saaray ayaa yiri “si waafaqsan qorshayaashii hore loo sameeyey, ayaa dhibbanaha, Jamaal Khaashuqji, waxaa lagu qabtay ceego ilaa uu ka dhintay, isla markii uu galay qunsuliyadda guud ee Sacuudi Caraabiya”.

Meydkiisa ayaa ka dib la jarjaray, lana burburiyey “mar kale si waafaqsan qorshe hore looga shaqeeyey” ayaa lagu sii daray.

Sacuudigu markii hore wuu beeniyey inuu og yahay geerida, isagoo sheegay in Khaashuqji – oo ah nin aad loogu yaqaanno inuu dhaliilo dawladda – uu ka baxay dhismaha isagoo nool, ka dib markii uu u yimid kulan.

Ka dib, ayuu dalkaas khaliijka ku yaalla qirtay in dilka Khaashuqji uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyey, ahaana natiijada “hawlgal kharriban”. Waxay sheegeen inay xireen 18 qof oo laga shakisan yahay, kuwaasoo lagu maxkamadayn doono Sacuudiga.

Turkiga ayaa doonaya in dadka la tuhunsan yahay loo soo dhoofiyo. Maamulayaasha ayaa ku jahawareersan wax ay u arkaan Sacuudiga oo aan wax wada shaqayn ah u muujinayn.

Turkiga si toos ah eedda dusha ugama saarin boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo toddobaadki hore khadka Teleefanka kula hadlay boqor Salmaan ayaa waxay isku afgarteen in iskaashiga baaritaanka dilka Khaashuqji la sii wado

Mas’uul dawladda Turkiga ka tirsan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay inuu Turkigu hayo caddeymo cod ah oo duuban oo muujinaya dilka Khaashuqji loo dilay.

Warbaahinta Turkigana waxay si weyn wax uga qoreen sida Khaashuqji loo dilay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Sacuudi Carabiya Sheikh Saud al-Mojeb wuxuu laba mar booqday qunsuliyadda wuxuuna halkaasi uu kula hadlay sirdoonka Turkiga wuxuuna Sacuudiga uu dib ugu laabtay Arbacada.

Sacuudiga wuxuu marki ugu horreysay sheegay inuu Khaashuqji danti uu ka lahaa qunsuliyadda markuu ka dhameystay isaga oo nabad qaba inuu ka baxay.

Marka xigtayna waxay sheegeen “koox arxan laawayaal ah” iney dilka Khaashuqji geysteen ayuu Sacuudigu qirtay.

Balse Sacuudiga wuxuu weli ku adkeysanayaa dilka Khaashuqji inaysan boqortooyada wax lug ah ku lahayn.

Sacuudi Carabiya waxay xirxirtay 18 qof oo looga shakiyey iney dilkaasi ka dambeeyeen, laba xubnood oo sare oo boqortooyada aad ugu dhawna shaqada ayey ka eriday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here