Dalka Shiinaha oo Diyaarinaya Dayax Samada Iftiimiya 2020

0
1018

Dalka Shiinaha oo Diyaarinaya Dayax Samada Iftiimiya 2020

Dalka Shiinaha oo Diyaarinaya Dayax Samada Lagu Iftiimiyo Marka La Gaaro 2020
Mas’uuliyiin Chinese ah ayaa kashifay tallaabo dalkoodu damacsan yahay inuu dayax iftiimiya ugu diro samada, kaas oo dhulka ka soo iftiimin doona masaafo gaaraysa 80-km.

Dayaxan ayaa magacaiisa la yiraahdaa “illumination satellite”, waxaa la saari doonaa samada magaalada Chengdu(Tashongdo) ee koonfur galbeed dalka Shiinaha marka la gaaro 2020.
Dayaxan ayaa 8-jeer ka iftiin badan dayaxa caadiga ah, waxa uu sameynayaa iftiin la mid ah kan marka ay qorraxdu soo baxayso oo kale, waa sida ay sheegtay jariidada “People’s Daily” ee dalka Shiinaha ka soo baxda.

Mas’uuliyiinta ayaa xoogaa faahfaahin ah ka bixiyay mashuuraca dayaxan iyo sida ay suurtagal u noqon karto in loo fuliyo.

Wu Chunfend(Wuu jiran find) oo ah madaxa mac’hadka cilmi-baarista ee nidaamka Chengdu ee hawada sare, teknoloojiyada iyo culuumta microelectronics System, ayaa daaha ka rogtay in qorshahani uu noqon doono dhacdo cajiib ah oo magaalada samadeeda lagu iftiiminayo.

Dayaxan ayaa la filayaa in hawada sare loo tuuro 2020, si samada chengdu looga dhigo mid aad u iftiin badan, bedelna u noqon doona nalalka waddooyinka lagu xiro ee caadiga ah.
Daxan ayaa iftiiminaya inta u dhaxaysa 10 ilaa 80 km iyo ballac gaarsiisan 9 ilaa 80 Km.
Arrintan oo u muuqan karta mid aan la rumeysan karin ayaa hadana ay khabiir (Wu) uu sheegaysaa in khubardu ay ka howlgalayaan teknoloojiyadan muddo sannooyin ah, hadana ay u diyaarsan tahay in la fuliyo oo qura.

Tallaabadan ayaa dhaliil badan kala kulantay dadka ka shakisan iyo muwaadiniinta daneeya, kuwaas oo sheegaya in iftiinkaasi uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doono xaywaanka iyo dadka la socda arrimaha hawada sare ee xiddigaha daneeya, waa sida warbxinta jariidada “People’s Daily” lagu sheegay.

Si kastaba, Tani maaha markii ugu horreysa ee aadanuhu ay isku dayaan iney hawada sare u diraan waxyaabo ay ku doonayaan iney ku ifiyaan hawada sare oo qorraxda iftiinkeeda soo leexinaya, laakiin isku dayadaasi dhammaan waxey ku soo dhamaadeen fashil iyo inaan wax natiijo ah laga gaarin.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here