Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ku qaaday maamul goboleedyada, una sheegay…

0
947

Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ku qaaday maamul goboleedyada, una sheegay…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar afka ku qaaday maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo ku eedeeyay inay faraha kula jiraan shaqo aanay awood u laheyn.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Jubba ayaa sheegay in dowlad goboleedyada shaqada looga baahan yahay ay tahay in deegaanada ay mas’uulka ka yihiin gaarsiiyaan adeegyada aas aasiga ee dadka u baahan yihiin, sida waxbarasho, caafimaad, ceelal biyo loo qado, canshuuraha uruuriyaan, taasoo xusay inay tahay nidaamka Federaalka ee Adduunka ka jiro.

“Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hase ahaatee waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxda maamul goboleedyada ay faraha la soo galaan siyaasadda arrimaha dibadda oo gaar ah.

“Laakiin Maamul goboleedka hadduu yiraahdo siyaasadda arrimaha dibadda oo gaar ah ayaa leeyahay, waxaa rabaa socodka inaa badiyo oo meelo badan tago, haddii aad la fariisato Madaxweyne Salva Kiir, adiga iyo Salva Kiir maxaa idin ka dhaxeeyo, ma wax baan wada saxiixan kartaa, inlee adiga dowlad goboleed ayaa tahay, marka haddii aad soo raadsato Madaxweynayaasha iyo Ra’iisul Wasaarayaasha Gobolka waxaa muujineysaa in dalkaaga uu fowdo yahay, dalkaaga uu kala daadsan yahay, maxaa yeelay aniga iima imaanayo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo si kulul u weeraray Maamul goboleedyada.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ku duray maamul goboleedyada ayaa loo arkaa mid sii fogeynaya khilaafka ka dhex taagan dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo dhowaan Madaxweynuhu ku baaqay gogol uu u dhigayo maamul goboleedyada, si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here