Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Koofur Sudan

0
525

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Koofur Sudan

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jubba ee Koofurta Sudan.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee SONNA wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda dhameystirka heshiiska ay gaareen dhinacyada isku hayay dalkaas.

Madaxda dalalka Gobolka ayaa ka qeyb geli doona munaasabada lagu dhameystirayo heshiiska nabadeed ee ay horay u gaareen dowladda Koofurta Sudan iyo Mucaaradka.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Reik Machar ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto magaalada Jubba, si uu uga qeyb galo munaasabada heshiiska nabadeed

Bishii August ayay aheyd markii magaalada Khartoum ee dalka Sudan lagu saxiixay heshiiska nabadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya dalka Koofurta Sudan, waxaa munaasabadaas goobjoog ka ahaa Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here