Dhaqtar loo heysto inuu laayey bukaano Boqol ka badan oo Maxkamad wajahaya+SAWIRO

0
617

Dhaqtar loo heysto inuu laayey bukaano Boqol ka badan oo Maxkamad wajahaya+SAWIRO

Maxkamad ku taalla magaalada Oldenburg ayaa waxaa la soo taagayaa Nin kalkaaliye caafimaad ka ahaan jirtay dalkaas Jarmalka oo lagu eedeeyay in uu dilay 100 ruux oo bukaan ah.

Niels Hoegel oo 41 jir ah ayaa loo heystaa in dawooyin ka badan qiyaastii dadka loo qoray uu siin jiray bukaannada ku jiray isbitaallada Jarmalka qaarkood oo uu ka soo shaqeeyey.

Ujeedadiisu ayaa ahayd in uu ka yaabiyo shaqaalihii ay isla shaqaynayeen uuna iska dhigo inuu badbaadinayo bukaannada uu laayay.

Hoegel ayaa haddaba xabsi ugu jira inuu dilay bukaanno ay ahayd inuu baxnaaniyo.

Dacwadan u dambaysay ayaa la filayaa in ay socoto ilaa bisha May, waxayna daba socotaa maydad la soo qufay oo laga helay inay ku sumoobeen dawooyin six ad dhaaf ah loo siiyey.

Hoegel ayaa hadda la sheegay in uu dilay 36 bukaan ah oo ku sugnaa Oldenburg iyo 64 kale oo ku sugnaa Delmenhorst oo aan ka fogayn, arrintaasina ay dhacday intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2005.

Haddii lagu helo in dadkaas oo dhan uu laayay, wuxuu noqon doonaa ninkii dilkii ugu badnaa ka gaysta jarmalka dagaalladii ka dib.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here