Jubbaland oo ka digtay in la soo farageliyo doorashada soo socota

0
655

Jubbaland oo ka digtay in la soo farageliyo doorashada soo socota

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan ayaa sheegay in aanay marna aqbali doonin in faragelin doorashada soo socota ee ka dhici doonta doonta deegaanada Jubbaland.

Wasiir C/rashiid Janan ayaa sheegay in dhib fara badan laga soo maray nidaamka lagu dhisay Jubbaland, isla markaana aanay marna ogolaan doonin in la carqaladeeyo ama Liin lagu dhiijiyo sida uu hadalka u dhigay.

“Meesha la yiraahdo Baydhabo waxa ka jira xog ogaal baa ka tihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, labaatan wasiir la isku soo daro baa ka jirta,  anaga doorasha u soconaa, waxaa rabnaa qofka imaanaya asagoo nabad oo ammaan ah oo shaqsi ah ka soo dego garoonka, xaq buu u leeyahay inuu tartamo”ayuu yiri Wasiir Janan.

Waxaa uu sheegay in haddii ay arkaan dad u dhaqmaya sida had aka socota Bayhdbao ay awood u leeyihiin inay Garoonka ka celiyaan, darajo kasta hala lahaado sida uu yiri.

Bartamaha sanadka soo socda ayaa lagu wadaa in deegaanada Jubbooyinka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, iyadoo Madaxweynaha xilka haya Axmed Madoobe ay ku soo fool leedahay doorasho..

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here