Faytamiin Cudurrada La Dagaallama oo Aan Horey Loo Maqlin

0
1125

Faytamiin Cudurrada La Dagaallama oo Aan Horey Loo Maqlin

Aadanuhu waxa uu u baahan yahay faytamiinno aasaasi ah si uu u ilaashado caafimaadka jirkiisa, kan caqli midka nafeed, si uu u xoojiyo difaaca jirka guud ahaan.

Waxaa jira faytamiinno badan oo dadka ay yaqaanaan, laakiin waxaa lama filaan ku noqon karta in iney ogaadaan jiritaanka faytamiin P, eraybixintan faytaminkan markii ugu horreysay waxaa la bixiyay Soddomeeyadii Qarnigii 20aad, lakabyo dhowr ah oo midab u yeela dhirta ayaa la aamisan yahay iney leeyihiin faa’iidooyin caafimaad , waxaana hadda loo yaqaannaa (Flavonoid).

Hadda, Saynisyahannadu waxey cusbooneysiin ku sameeyeen inta u dhaxeysa 4 iyo 6 kun oo nooc oo kuwii hore ka duwan, oo aan ognahay iney mas’uul ka yihiin dhadhan badan oo carafta miraha la cuno iyo khudaarka Fruits-ka ah laga helo, sidaas oo kale kaalinteeda aasaasiga ah ay tahay ilaalinta iyo ka hortagga fungis-ka, aafooyinka dhirta iyo bakteeriyda.
Maaddooyinkan dheefta ah ayaa caafimaadka lafaha iyo ilkaha ilaaliya, waxey sidoo kale ka qeybqaataan soo saarista collagen-ka brootiinka siiya dhismaha xididada dhiigga, murqaha iyo haragga sare ee jirka.

Waxaa la sheegaa iney jirka ku garabsiiso ka hortagga waxyaabaha cudurka dhiirrigeliya, oo ay ku jiraan caabuqyada kala duwan iyo Redox oo ah howl dabiici ah oo unugyada jirka duqnimada u keena, sidaas oo kale, baabi’iya oo dhalanrogta. arrintaasi waxey ka dhigan tahay in lakabyada fitamin P uu ka qaybqaato ka hortagga cudurrada waqtiga dheer qofka la socda oo ay ka mid yihiin kansarka iyo cudurrada wadanaha.

Daraasad lagu faafiyay joornaalka “Nutrition“, ayaa lagu ogaaday in liin banbeellada ay tahay meel aasaasi ah oo laga helo nooc ka mid ah lakabyada Flavonoidka faytamiin P, oo qofka wax badan ka qaata ay yareynayso inuu maskaxda uu dhiig uga furmo 31%, marka loo barbardhigo qofka wax yar un ka hela.

Dhanka kale, daraasad Taiwan(Taywaan) laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in labo koob oo shaaha madow ah qofka cabba maalintii muddo sanad ah ay raaneyso awdanka xididada dhiiggiisa oo waasac noqonaya.

Raashinka kale ee Flovonoid ka laga helo waxaa ka mid ah, tufaaxa, digirta iyo lowska, waa kuwa dalkeenna laga helo. halka basasha laga helo nooc ka mid ah Flovonoid oo la yiraahdo “quercetin”, oo la ogaaday inuu ka hortag u yahay caabuqyada iyo xasaasiyaadda.

James Jackson@Jamesexydevil

How to get a dose of Vitamin P – which nobody has ever heard of but is vital for boosting your immunity and beating diabetes https://a.msn.com/r/2/BBOYXFk?m=en-gb&referrerID=InAppShare 

How to get a dose of Vitamin P – which nobody has ever heard of but is vital for boosting your…

Vitamin P was first coined in the 1930s to describe a clutch of compounds that provide pigment to plants, and were believed to have health benefits. Now these compounds are known as flavonoids.

msn.com

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here