Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun ay leedahay Wasaarada Maaliyada

0
587

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun ay leedahay Wasaarada Maaliyada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa  xariga ka jaray Xarun labaad oo loo dhisay Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Dhismaha  xaruntan oo ay gacan ka geysatay dowlada Sweden ayaa  munaasbadii xarigga loogaga jarayay waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/maan Beyle iyo Safiirka Dowladda Swedan ee Soomaaliya.

Safiirka Swedan ayaa sheegay in ujeedada Dowladiisu u taageertay dhismaha Xaruntani ay tahay sidii Shaqaalaha Qaranka u heli lahaayeen xarumo ku filan oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa dhisma kale oo la mataana ah dhismahan si shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u helaan xafiisyo ku filan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda Swedan kaga mahad celiyay dhismaha xaruntani waxaana uu sheegay in xarunta yareyneyso culeyskii haystay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay Howlaha ay qabatay Wasaaradda Maaliyadda Dalka oo suura galiyay in sare uu u kaco daqliga dalka lana kordhiyo Miisaaniyada Dowladda.

Helida Xafiisyo ku filan Howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda ayaa kor u qaadeysa isla xisaabtanka iyo horumarinta dakhliga gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here