Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Guriceel

0
753

Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Guriceel

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Milateriga Itoobiya  ayaa manata gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ay fariisimo ka sameystay duleedka degmada Guriceel.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gaaray degmada Guriceel ay wateen taangiyo iyo hub kale o oculus, lamina oga illaa hadda sababta ay halkaas u tageen.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan degaano badan oo ka tirsan gobolada bartamaha iyo koonfurta Somalia, waxaana qaarkood ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here